Microsoft oo soo wadda Windows 11 iyadoo isu jilcisay Google & Apple (Ballan hore oo ay ka baxday!)

0

(Redmond, WA) 25 Juun 2021 – Waloow uu Jerry Nixon oo 2015-kii Microsoft u hadlay uu sheegay in Barnaamij-howleedka Windows 10 uu noqon doono midka ugu dambeeya, misna haatan waxay soo bandhigeen jiil cusub oo ah Windows 11, kaasoo u furan apps-ka dhinacyada 3-aad, sida Google, Apple iwm.

Si ay ula hardamaan Apple, waxay sharikaddu ku baaqday inaysan dadka apps-ka kale sameeya aanay ku khasbi doonin inay khidmad ka bixiyaan adeegsiga Microsoft iyo app store-keeda; sidoo kale waxaa hannaankeedan cusub ku shaqayn kara barnaamij-howleedka Google ee caanka ah ee Android.

Tillaabadani waxay dhanka kale dhibaato u abuuraysaa shirkadaha ay suuqa isku hayaan sida Apple, oo dagaal sharci ah kula jirtey Epic, oo samaysa ciyaar gacmeedka caanka ah ee Fortnite.

Windows 11 ayaa la filayaa in suuqa lasoo dhigo dabayaaqada sanadkan iyadoo ay kusoo degi doonaan kombiyuutarrada cusubi, halka kuwii hore ee haystey Windows 10 loo samaynayo cusboonaysiin bilaash ah (free update).

MUUQAALLADA CUSUB – Windows 11, wuxuu leeyahay muuqaallo ay ka mid yihiin meel cusub oo laga istaaro, meesha hoose ee ay icons-ku soo fuulaan ee task bar-ka oo nooc cusub laga dhigay iyo codad lagu daray muuqaallo kale oo kordhinaya hufnaanta howleed iyo xawaaraha.

Microsoft oo Windows 10 soo saartay 6 sanadood kahor, ayaa xilligaa filaysey in barnaamijka cusubi uu ka caawin doono inay kalsooni ku yeelato dadka oo u sii ruqaansanayey dhanka tablet-yada, smartphones-ka iwm, kuwaasoo aan u baahnayn barnaamij-howleedka Microsoft.

Windows ayaa waxaa caadiyan adeegsan kombiyuutarrada iyadoo tan iyo 1985-kii sidaa ku lacagaysanaysey, balse waxay god ku yara dheceen markii ay soo bexeen agabyo la salaaxayo oo i taabo ah (touch screen), taasoo hoos u dhigtay shacbiyadda barnaamijyada Microsoft.

Hadalsame Media