Halku-dhegyo ay Xuutiyiintu adeegsadaan oo u ujeeddo eg kuwa musharrixiinta xilalka Somalia (Qoraal micne badan)

0

(Hadalsame) 25 Juun 2021 – Waxaa dabcan lagu jiraa fasal doorasho dhanka dalka Somalia, iyadoo ay markan oo kale badan yihiin halku-dhegyada quruxda badan balse aan qotada dheerayn amaba beenta miiran ah.

Haddaba, Ustaad Cabdulqaadir Diiriye ayaa qoraal yay oo misaal wata ka sameeyey isagoo qoray:

Qolyaha Xuuthiyiintu waxay meel walba ku qoraan oo shirarkooda ku furtaan kuna xirtaan halqabsiga ah “Ilaah ayaa weyn, Maraykan ha dhinto, Israa’iil ha dhimato, Yuhuuudda lacnadi ha ku dhacdo, Islaamku ha guulaysto”. Maraykanka ay la shiraan ayaa weydiiyey sababta ay geerida ula jeclaadeen. Waxay yiraahdeen waxani waa iska halqabsi aan micne lahayn marka waxba ha ka soo qaadina.

Haddaad maqasho “Ku dooro hufnaan, caddaalad iyo horumar.” Waa iska halqabsi aan micne lahayn oo la mid ah “Igu dooro inaan leeyahay ilko, gacmo iyo lugo” ee waxba ha ka soo qaadin.

Hadalsame Media