”Waxaan ku ridney rasaas digniin ah!” – Ruushka oo sheegay inuu bambo hor dhigay markab dagaal oo Ingiriisku leeyahay (Dalka UK oo inkiray)

0

(Crimea) 24 Juun 2021 – Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushanka ayaa sheegtay in Raxanta Badda Black Sea ee Ciidamada Badda dalkaasi ay rasaas digniin ah ku rideen markab burburiye ah oo ay Britain leedahay oo gayigooda soo galay, meel ka baxsan Crimea.

Yeelkeede, Wasaaradda Gaashaandhigga UK ayaa sheegtay in aysan jirin rasaas digniin ah oo dhacday ee ay Ruushanku meesha ku samaynayeen dhoollatus ciida.

Balse Ruushka ayaa sheegay in markabka UK uu biyaha maxalliga ah ee Ruushka soo galay abbaarihii 11:52am xilliga maxalliga ah, meel ku beeggan woqooyo bari oo u dhow Raaska  Cape Fiolent.

Ruushka ayaa intaa raaciyey in markii ay rasaasta digniinta ah rideen aanay soo jawaabin ciidamada UK, iyagoo weli dayuurad kiciyey taasoo qiyaastii 12:15am, bambo ku tuurtay halkii uu ku wajahnaa markabka UK.

Ha yeeshee, Ciidamada Badda Britain ayaa sheegay inay sii qabeen ogaysiis ahaa in meesha uu ka dhacayo dhoollatus, iyagoo si cad u beeniyey in rasaas digniin ah lagu ridey markabka HMS Defender iyo in xitaa bambo lagu tuuray wadiiqadii uu ku wajahnaa.

Markabka UK ayaa se markiiba ka baxay biyaha maxalliga ah ee Ruushanka.

Hadalsame Media