Arrin murugo & mahadho leh oo Muqdisho ka dhacday & DF oo loogu baaqay inay meel saarto (Daawo)

0

(Muqdisho) 24 Juun 2021 – Waxaa marar badan dhacda tacaddiyo ay shacabka u gaystaan Ciidamada DF Somalia oo ay ku badan yihiin askarta aan dishibiliinka lahayn, sidoo kalena uu xisaabtanka iyo anshax marintu aad ugu yar yahay.

Qoyska Marxuum Cabdifataax Maxamed – 15-jir – oo uu dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa farriin cabasho ah u diray Taliyaha Ciidamada Booliiska ah ee Wadajir.

“Ninkii wiilkeenna dilay wali wuxuu joogaa halkii uu wiilkeenna ku dilay. Saldhigga Degmada iyo CID-da oo aan u dacwoonayna waxba nooma qaban. Waxaan noqonnay dad la iskaga tunto.” ayuu yiri oday u hadlay reerka dhibbanaha.

Qoyska wiilka laga diley oo danyar ah ayaa weliba sheegay in halkii wax loo qaban lahaa uu bannaanka iska mushaaxayo eedaysanaha wiilka diley oo ay weliba yaqaannaan, iyadoo taa biddaalkeeda loo dirayo hanjabaado lagu aamusinayo.

Waalidka wiilka la diley Maxamed Cali Atoore iyo Binti Maxamed Cabdullaahi oo weliba umul ah ayaa DF ugu baaqay in cadaalad loo falo qoyskooda oo sharciga la hor keeno ninkii wiilkooda diley oo ay ku sheegeen Yaanyuureey.

Hadalsame Media