Mashruuc ”cayr” lagu siinayo qoysas sabool ah oo loo fasaxay malaayiin doollar (Arag cadaalad darrada ka muuqata)

0

(Muqdisho) 22 Juun 2021 – Bankiga Adduunka ayaa ogolaaday in Somalia la siiyo adduun lacageed oo dhan 185 milyan oo doollar oo la marinayo DF Somalia, si loogu caawiyo dadka maatada ah ee Somalia.

Lacagtan oo lagu maalgelinayo Mashruuc la yiraahdo Baxnaano oo uu horay lacag ugu ogolaaday Bankiga Adduunka si loogula dagaallamo faqriga haysta dadka ay hayntoodu yar tahay, iyadoo ay lacagtu u kala baxayso 110m iyo 65m iyadoo la ogolaaday bishii Agoosto 2019-kii.

Lacagtan ayaa sidoo kale looga gol leeyahay in lagu dhiso mugga raasumaalka dadwayne ee dalka Somalia oo aad u liita iyo sidoo kale adkaysiga marxaladeed ee dadka ku dhaqan meelaha fog fog ee uu adeeggu ku yar yahay ee miyiga ah si wax lagaga qabto barakacyada ay duruufaha iyo abaaruhu keenaan, sida uu sheegay Baanka Adduunku.

Mashruuca Baxnaano ayaa waxaa ka faa’iideysan doona ilaa 200,000 oo ah qoysaska Soomaalida faqriga ah ee leh ciyaalka da’da yar sida 5-jirrada, kuwaasoo bishii la siin doono 20 doollar oo Maraykan ah, si ay ugu kaashadaan cuntada, caafimaadka iyo waxbarashada.

Si loola tacaalo amaan xumada dhanka quudka, waxaa qoysas kale oo gaaraya ilaa 150,000 ay bishii heli doonaan 60 doollar, si ay uga gaashaantaan abaaraha iyo quud xumada ka dhashay ayaxa ku habsadey Geeska.

CADAALAD DARRO IYO TIRAKOOB KHALDAN

Yeelkeede, Mashruucan Baxnaano oo la daah-furay 20-kii Abriil 2020 ayay doodi ka dhalatay cadaalad darro ka muuqata sida loo qoondeeyey.

Tusaale ahaan, Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ee Woqooyi Bari Somalia, qoysaska leh carruurta ay da’dooda ka yar tahay 5 sano waa 46,062 (afartan iyo lix kun iyo lixdan iyo labo).

Waxay taasi ka dhigan tahay inay degmadaasi ka dad badan tahay 3 degmo oo qadiimi ah oo ka tirsan Galmudug sida Dhuusamareeb, Caabud Waaq iyo Hobyo, waxayna sidoo kale aad uga dad badan tahay magaalooyin waawayn sida Beledweyne. Waxaa sidoo kale Beledwayne ka dad badan Afmadoow.

Tirakoobkan ayaa waxaa sida la sheegay sameeyay Wasaaradda Qorsheynta iyo Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo uu Wasiirkeeda, Jamaal Maxamed Xasan, uu kasoo jeedo Degmada Badhan.

Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso adeegyada dadweynaha ayaa laga hirgelinayaa 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleeyn dhaqaale oo ah 4 Malyan oo doolar bishiiba.

Hoos ka eeg jaantuska tirakoobka…

Hadalsame Media