Xogo dheeraad ah oo kasoo baxaya sida lagu soo helay Xafsa Luqmaan (Xaalad cabsi leh & Sawirro)

0

(Nairobi) 20 Juun 2021 – Xafsa Maxamed Luqmaan oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhowaan laga qafaashay Xaafada California Estate ee magaalada Nairobi, iyadoo laga waayey dukaan ay iibinaysey ayaa dib loo helay.

Xafsa oo 23-jir ah ayaa madaxeeda lagu doonayey lacag dhan 5 milyan oo shilin, yeelkeede, xubno ka tirsan qoyska oo la hadlay wargeyska The Standard ayaa xaqiijiyey in aysan bixin madax furashada ay ka dalbadeen afduubayaashu.

Dembi baarayaasha arrintan gacanta ku hayey ayaa soo qabtay nin 24-jir ah, iyadoo sida uu sheegay Ku xigeenka Madaxa Warfaafinta ee Kayole, Md Rioba Gisiri gabadhan lasoo helay saaka barqannimadii abbaarihii 10:00 aminta maxalliga ah.

“Waxaan cunno ka helnay gurigii looga tagay oo ay ku hayeen kuwa afduubayaasha ah, balse marnaba ma ay cunin cuntadii ay afduubayaashu siiyeen,” ayuu yiri nin u hadlay Booliisku.

SIDEE LAGU HELAY? Gisiri ayaa tilmaamay in afduubayaashu ay gurigii ay gabadha ku hayeen uga tageen buug yar oo xusuus qor ah oo ay adeegsanayeen, wuxuuna sheegay in mar buugga la eeg eegayey la maqlay dhawaqa Xafa oo ku cataabaysa in la badbaadiyo, taasoo keentay in ay derisku booliiska wacaan.

Booliska ayaa deeto tegey goobtii dembiga waloow aysan ragga helin markii hore, balse ay gadaal hal la tuhunsane kasoo qabteen.

Waxay sidoo kale goobta ka wadeen Xafsa oo la sheegay in lagu dhex hayey haan go’an, waxaana la geeyey Saldhigga Booliiska Kayole si looga qoro oobbi ku saabsan wixii ay la kulantay.

Booliiska ayaa laga sugayaa xogo dheeraad ah oo ku saabsan silsiladdan afduubka ah ee ku cusub Soomaalida ku dhaqan Nairobi.

Hadalsame Media