SOMALIA VS CUMAAN: Somalia oo caawa fiidkii wajahaysa ciyaar bug-bax ah oo muhim ah

0

(Dooxa) 20 Juun 2021 – Waxaa caawa magaalada Dooxa ee dalka Qadar ku qabsoomaysa ciyaar isreebreeb ah oo loogu soo baxayo Koobka Carabta FIFA oo ah mid hadda uun la abuuray.

Waxaa ciyaartaas oo hal lug ah isku wajahaya dalka Somalia oo Qadar habeen hore ka degey xalayna tababarkii ugu dambeeyey ku sameeyey iyo dalka Cumaan, iyagoo dalkaa u adeegsanaya dal dhexdhexaad ah ahaan maadaama ay ciyaartu bug-bax tahay.

Ciyaartan ayaa caawa la daawan doonaa marka ay aminta Bariga Afrika abbaarayso 20:00 fiidnimo.

Zayd Muse Ahmed Farah oo ka mid ah Xulka Qaranka Somalia, kana mid ah dhallinyarada qurbaha ka timid, gaar ahaan Australia ayaa sheegay inuu ku faanayo u ciyaarista Xulka dalkiisa hooyo.

”Waxaan rajaynayaa inaan ka farxin doonno taageerayaasha Somalia, waloow ay Cumaan tahay xul dhisan.” ayuu yiri.

Ciyaarta waxaad toos uga daawan doontaan Hadalsame Media, haddii Alle idmo.

Hadalsame Media