Somalia iyo Itoobiya oo kala saxiixday heshiis kalluun fara badan looga iibinayo Itoobiya + Sawirro

0

(Muqdisho) 20 Juun 2021 – DF Somalia ayaa heshiis la gashay dhiggeeda Itoobiya oo Somalia ka iibsan doonta kalluun daray ah.

Heshiiskan ayaa waxaa Muqdisho ku kala saxiixday Wasaaradda Kalluumaysiga DF Somalia iyo dhiggeeda Itoobiya, iyadoo caasimadda dalka lagu qabtay munaasabad heshiis saxiix ah.

Lama shaacin lamana faahfaahin inta tan ee ay Itoobiya sanadkii ka iibsan doonto dalka Somalia.

Dalka Somalia oo ay dagaallo sokeeye la degeen ayay taasi keentay inay burburaan kaabayaashii dowladeed oo awalba aad u tabar xumaa marka loo eego heerka caalami.

Waxaa sidoo kale meesha ka baxday fursad lagu hormarin lahaa kaabayaasha dalka, waxaa intaa dheer in Somalia oo leh badwayn iyo bad yaro hodon ku ah kalluunka iyo meelaha uu galo ee Coral Reef aysan 98% ka faa’iidaysan baddeeda bikrada ah oo ay dunidu usoo shaqa tagtay.

Daraasaadka qaar ayaa sheegaya inay qaarkood fuqsadaan coral reef-ka oo Somalia baddeeda si isu dhow dhow ugu yaalla, balse aanay cidina daraasadayn marka laga reebo hay’aad caalami ah.

Hadalsame Media

Facebook Comments