”Iin ma laha Italia!” – Daily Mail oo amaan kala dul dhacay Xulka Talyaaniga oo ay ku sheegeen midka sanadkan ugu xooggan

0

(London) 20 Juun 2021 – Andrea Bocelli ayaa ololaha Talyaaniga ee Euro 2020 wuxuu ku bilaabay ‘Nessun Dorma’, oo ka tirsan ”yaanu qofna hurdin”. Haddii ay Talyaanigu dadka ku toosiyaan bandhiggooda cajiibka ah ee habeenkii, runtii guul waa ku riyoon karaan xagaagan, ayuu warbixin dheer ku bilaabay Daily Mail oo ah warqaad af dheer, balse ay warbixintiisu had iyo goor hoos u dhigto dalalka kale.

Wuxuu far waawayn ku qoray: Talyaanigu ma xulka Euro 2020 ugu xooggan baa? Wiilasha Roberto Mancini cillad kuma laha daafaca, waa fursad qaatayaal dhanka weerarka, sidoo kalena waxay leeyihiin bedel qoto dheer dhanka khadka dhexe, waxayna u badan tahay inay xul sahlan ku aadaan bug-baxda…Illaa halkee gaari karaan xagaagan?

Xulka Talyaaniga oo min 3-0 Group A uga badiyey Turkey iyo Switzerland, ayaa wuxuu sidaa farriin ugu diray xulalka kale.

Xaqiiqdii, Talyaaniga kaliya guuldarro la’aan ma aha 29 kulan, balse 10-kii kulan ee ugu dambeeyey xitaa mar qura gool lagama dhalin, ayuu sii raaciyey.

Xulka Talyaaniga ayaa waxaa haatan dhanka khadka dhexe usoo laabtay laacibka PSG ee Marco Verratti, iyadoo ay weliba dhaawac ku bexeen xiddiga Sensi iyo Bellegrini, waloow ay Talyaanigu muujiyeen inay leeyihiin qaab-ciyaareed wadareed joogto ah oo aan ku xirnayn qofka dheelaya.

Halkan ka akhri warbixinta…

Hadalsame Media