”War ka daa qoys ayuu leeyahay e!” – Arrin uu Ronaldo ku sameeyey daafaca Rudiger oo si wayn looga hadal hayo Twitter-ka (Daawo)

0

(Munich) 19 Juun 2021 – Jookarka Cristiano Ronaldo ayaa wacdaro ku dhigay daafaca Jarmanka ee Antonio Rudiger kulankii xulkii lagu bahdiley ciyaar ka tirsan Euro 2020 oo ka dhacday magaalada Munich.

Laacibkan 36-jirka ah ayaa dhaliyey goolkiisii 3-aad ee tartanka waloow 4-2 ay uga badiyeen Jarmanku, isagoo kulan adag oo uu calafkiisu ku xiran yahay ku wajihi doona dalka Faransiiska.

Yeelkeede, waloow uu goolkiisu ku taabasho ahaa, misna wuxuu laacibku si xun ugu baashaalay laacibka Rudiger.

Ronaldo ayaa si uu shidashada Rudiger usii qurxiyo wuxuu isu ekeeysiiyey sidii qof kubadda gacmaha ku qabanaya markii uu ka kor qaatay daafaca kahor intii aanu si ka badbadis ah u baasin.

”Ka daa Ronaldo, ninki qoys ayuu leeyahay e.” ayuu mid soo qoray, iyadoo arrintan aad looga hadal hayo Twitter-ka.

Hadalsame Media

Facebook Comments