Wadnaha Eriksen oo lagu xirayo mashiin yar oo garaac wale ah & laacib kale oo uu ku xiran yahay oo ciyaara

0

(Copenhagen) 17 Juun 2021 – Laacibka khadka dhexe ee Denmark ee Christian Eriksen ayaa wadnihiisa qalliin lagu samayn doonaa iyadoo lagu xiri doono garaac caawiye macmal ah kaddib markii uu garoonka ku dhacay kulankii ay Euro 2020 la lahaayeen Finland Sabtigii tegey.

Nolisha Eriksen ayaa la badbaadiyey iyadoo CPR lagu kiciyey wadnihiisa oo taagnaa muddo 5 daqiiqadood ah, kahor intaan isbitaalka loo dhigin.

Laacibka ayaa wadnihiisa lagu xirayaa agabka yar ee loo yaqaan Implantable Cardioverter Defibrillator (ICD), kaasoo ku shaqeeya koronto, isla markaana qabanaya shaqadii CPR-ka haddii uu wadnuhu istaago, hal garaac ka boodo ama gaabiyo, iyadoo uu laacibku xalkan aqbalay sida uu sheegay DR Morten Boesen.

Eriksen ayay tani ku adkayn kartaa inuu Talyaaniga ka dheelo, kaasoo aan laga ogolayn inay ka ciyaaraan dadka wadnuhu mar istaago, balse waxaa jira laacibiin uu qalabkani ku xiran yahay oo ciyaara sida daafaca Daley Blind.

Hadalsame Media