Norway oo aqoonsatay Baasaboorka Somalia (Maxaa markiiba laga filan karaa?)

0

(Muqdisho) 17 Juun 2021 – Dalka Norway ayaa ku dhowaaqday inay aqoonsadeen Baasaboorka Somalia isla markaana ay dhowaan dib u furaneyaan safaaraddii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, sida kasoo baxay Diblomaasiga Norway.

Elin Bergithe Rognlie oo ah Danjiraha Norway u fadhiya Somalia, ayaa warkan sheegtay kaddib kulan ay la qaadatay Wasiiru Dowlaha Wasaarad Dibadeedka DF Somalia, Md Balal Maxamed Cismaan, iyadoo caddaysay inay socdaan tillaabooyin dib loogu howlgelinayo Safaaradda Norway, si albaab cusub loogu furo xiriirka labada dal.

Danjiraha ayaa sidoo kale ka hadashay in Waaxda Socdaalka Dalka Norway ay aqoonsadeen Baasaboorka Somalia, waloow aysan taasi ka dhignaan doonin in uu durba si saaxi ah u shaqayn doono, sidoo kalena ma aha markii ugu horreeysey ee ay Norway sidaa sheegto.

Wasiir Balal Maxamed Cismaan ayaa isna u riyaaqay oo misna soo dhoweeyey go’aanka Norway oo ay sidoo kale ka wada hadleen arrimaha doorashada 2021.

“Norway oo ay ku nool yihiin jaaliyad aad u tiro badan oo Soomaaliyeed, taasoo leh aragti horumarineed iyo mid wax dhisid, waxay muhim u tahay in la ballaariyo iskaashiga labada dal.” ayuu yiri Wasiirku.

Norway ayaa sidoo kale Somalia ka taageerta dhinacyada mug-dhisidda iyo horumarinta iyadoo maalgelisa mashaariic fara badan oo dalka ka soconaya.

Hadalsame Media