Kenya oo samaysay gaari casri ah oo ay doonayso inuu marka hore suuq maxalli ah yeesho + Sawirro

0

(Nairobi) 17 Juun 2021 – Kenya ayaa 2014 bilowday soo saarista gaari maxalli ah oo la yiraahdo Mobius 3, kaasoo ay Kenya ku sheegtay kii ugu horreeyey ee ay sancayso.

Sharikadda Mobius Motors ayaa ilaa waqtigaas soo saartay ugu yaraan ilaa 80 gaari oo weli ku jira marxaladda tijaabada.

Agaasimaha Howl-maalmeedka Mobius, Nicolas Guibert ayaa sheegay in wershadda oo ku taalla jidka Mombasa Road ay doonayso inay si caadi ah usoo saarto gawaari tayo leh.

Shirkadda oo ka sheeganaysa dhaqaale xumi uu keenay cudurka Covid-19 ayaa Dowladda Kenya ka heleeysa Sh600 milyan oo shilin oo lagaga iibsanayo gaadiidkan ay samayso.

Qaaradda Afrika ayaa guud ahaan ku liidata ama aad ugu dambaysa dhanka farsamada iyo tiknolojiyadda, waxaana ugu wacan siyaasado han yar oo qaaradda ka hana qaaday kaddib xornimadii 1960-meeyadii.

Hadalsame Media