Gabadhan markasta ag fadhida MW Erdogan waxay u taagan tahay MICNE wayn (Waa maxay?)

0

(Ankara) 17 Juun 2021 – Farriimaha siyaasiga ah mararka qaar sawir keliya ayaa lagu gudbiyaa. Mar marna kulan. Mar marna hadal. Mar marna dhigaal. Intaas oo dhammina wexey muujisaa mabaadi’ iyo farriimo siyaasadeed dadka siyaasadda yaqaan.

Dadka mabaadi’da lihina ama waa gaaraan ama waa u dhintaan. Kuwa siyaasadda ku qaraabtaana wexey ku hadaaqaan: mabaadi’du waa wax waa hore laga tegey!

Madaxweyne Erdogan wuxuu ka mid yahay hoggaamiyayaasha mawqif walba farriin ku gudbiya ee wax iska dhacay ka ahayn.
Gabadha xijaaban ee la fadhida kulanka Biden waa Fatima Abushanab, Falastiin ka soo jeedda magaca aabaha ka garo.

Jaamacadaha George Mason iyo Georgetown ayey wax ku baratay, haddana phD ayey waddaa. Xafiiska madaxweynaha ayey u qaabilsantahay xiriirrada caalamiga. Marar badan ayey la taliye iyo turjuman lagu kalsoon yahay ula socotaa.

Hooyadeed waa Prof. Dr. Marwa Kavacki, waa gabadhii 1999 barlamaanka turkiga xijaabka dartiis looga cayriyey, jinsiyaddii turkigana laga qaaday, ka dibna maraykan tagtay oo wax ku baratay ilaa ay macallimad iyo cilmi baare ka noqoto jaamacadaha George Washington iyo Howard Univ.

Haddana waa danjiraha turkiga u fadhiya dalka malaysia. Madaxweyne Erdogan mexey tahay farriimaha waaweyn ee uu madaxda adduunka ugu gudbinayo gabar iyo hooyadeed aqoon yahanna ah oo xijaaban?

Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media