Dadwaynaha oo aad u dhaliilaya hab-dhaqanka Safaaradda Somalia ee Turkiga (Arag fal-celintooda)

0

(Baku) 17 Juun 2021 – DF Somalia ayaa xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay isla markaana Safaarad rasmi ah ka furatay caasimadda dalka Azerbaijan ee Baku, halkaasoo warqadda aqoonsiga laga qabtay Danjiraha Somalia.

Azerbaijan wuxuu ka mid yahay Jamhuuriyadaha Turkic-ga ah ee ay dadkoodu qoowmiyad ahaan Turkiga u badan yihiin.

Danjiraha cusub ee dalka Azerbaijan oo gaaska dabiiciga ah hodan ku ah Somalia u fadhin doona ayaa ah, Mudane Jaamac Cabdullaahi Maxamed, kaasoo warqadaha aqoonsiga ka guddoomiyey Wasiir Dibadeedka dalkaasi Jeyhun Bayramov.

Jaamac waxaa uu sidoo kale Somalia u fadhiyaa dalka Turkiga oo ah dal xiriir istaraatiji ah la leh Somalia, balse aad baa loo dhaliilaa bandhiggiisa diblomaasiyadeed iyo waxqabadka ay Safaaraddiisu siiso dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Turkey.

Waxaa muddo badan soo taxnayd cabashooyin ku saabsan in dadwaynaha waraaqo yar yar oo ay u baahan yihiin lagu dhibo, in mararka qaar laga khaldo waxyaabaha ku qoran xirfadda oo aan heer sare ahayn darteed iyo dadka qaar oo ka sheeganaya qaybin iyo qabyaalad.

Waxaa heerka sumcadda Safaaradda Somalia ee Turkiga laga dheehan karaa fal-celinta ay dadwaynuhu ka bixiyeen warkan sheegayey in Danjiruhu uu sidoo kale Somalia u fadhiyo doono dalka Azerbaijan.

Halkan ka akhri…

Hadalsame Media