”Ma ogin sida uu xaalku noqon doono!” – Fly Emirates oo la kulantay jabkii ugu waynaa muddo 30 sanadood ah

0

(Dubai) 16 Juun 2021 – Calan-sidada Imaaraadka ee Fly Emirates ayaa waxaa sanadkan gaartey khasaare dhan $5.5 bilyan oo doollar, taasoo ah tii ugu horreeysey ee ku dhacda wax ka badan 30 sanadood, waxaana ugu wacan cudurka COVID-19 oo si xun u galay dauyuuradaha.

Sidaas oo ay tahay waxay kaash dhan ilaa $3.1 bilyan oo doollar ka heshay cidda iska leh oo ah Dowlad-goboleedka Dubai, si ay uga korto xasaradda dhaqaale.

”Emirates waxaa si xun ugu dhuftay hakinta duullimaadyada caalamiga ah maadaama la xirey xadadka dalalka lana soo rogey xadidaado dhanka safarka ah,” ayuu yiri Agaasimaha Guud, Sheikh Ahmed bin Saeed Al Maktoum oo sheegay inaan xitaa haatan la ogayn marka uu cudurku dhamaan doono.

Shirkaddan oo ka mid ah kuwa ugu ballaaran Caalamka ayuu dakhligoodu sanadkii tegey hoos u dhacay 66%, isagoo kusoo koobmay $8.4 bilyan oo doollar, iyadoo qaadday 6.6 milyan oo rakaab ah, taasoo 88% ka yar intii ay xambaartay sanadkii kasii horreeyey.

Hadalsame Media