Laba CILLADOOD oo xiriirka Somalia ceeb ku ah oo kasoo baxday magacaabista macallinka la cayriyey

0

(Muqdisho) 16 Juun 2021 – Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ee SFA ayaa shaqada ka eryay tababarihii Xulka Qaranka Soomaaliya Cabdellatif Salef oo u dhashay dalka Morocco, kaddib markii sida ay sheegeen uu erayo ‘aflagaado’ ah u adeegsaday ciyaartooyda xulka oo tababar ku qaadana waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qoraal rasmi ahaa oo ka soo baxay Xiriirka Kubadda Cagta ayaa lagu sheegay in Salef, oo heysta dhalashada Belgium, la eryay 3 todobaad uun kaddib markii xilka loo dhiibey, jeer uu xulku isu diyaarinayo kulan isreeb reeb ah oo ka tirsan Koobka FIFA ee Carabta oo ay Qadar marti gelinayso.

“Wuxuu si isdaba joog ah u adeegsanayay ereyo aflagaado ah oo ka dhan ah ciyaartoyda, wuxuu ula dhaqmayay si xun tan iyo markii uu qabtay xilka xulka, mana uusan laheyn dhaqan wanaagsan” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xiriirka K/cagta dalka oo sidoo kale sheegay in “Ciyaartooydu aanay kuba faraxsaneyn tababarkiisa, madaama xirfaddiisa iyo khibradiisuba aysan aheyn kuwa gaarsiisan heerkii loo baahnaa.”

Cayrinta Selaf ayaa timi wax uun kahor ciyaartii saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Jabuuti, taas 1-0 guuldarro ah gorodda loo surey dalka Somalia.

Arrintan ayaa muujinaysa laba cilladood oo ay midi tahay; in xulka loo dhiibey tababare aan xitaa la hubin diiwaankiisa mihnadeed iyadoo la is waydiinayo hab-raacii markii hore loo maray magacaabistiisa, maadaama aanu lahayn wax CV ah oo micne leh, taasoo noqonaysa gar ku naqsan isla xiriirka iyo tan 2-aad oo ah, in ugu yaraan ay Somalia buuxaan macallimiin Soomaali ah oo 10 jeer ka fiicnaa Selaf-ka sifaadka miiran noqday.

Hadalsame Media