Isku aadka Horyaalka Ingiriiska oo dhamaystiran (Chelsea oo bilowgiiba baxar ku jirta)

0

(London) 16 Juun 2021 – Waxaa lasoo bandhigay isku aadka EPL iyadoo ay Tottenham marti gelinayso Man City, halka Thomas Tuchel uu wajahayo Chelsea, oo 3 ka tirsan kooxaha waawayn wajahaysa 5-ta kulan ee ugu horreeya.

Horyaalka oo bilaabmaya 14-ka Agoosto, City waxay u safraysaa woqooyiga London iyadoo ay deriskeeda Manchester United ay madadaalinayso Leeds, Liverpool ayaa u safraysa kooxda dhowaan soo dallacday ee Norwich iyo Chelsea marti gelinayso derby London oo ay ku wajahayso Crystal Palace.

Yeelkeede, dhibka Tuchel ma aha kulanka 1-aad e waa booqashooyinka xiga oo ay ku kala dhacayso Arsenal, Liverpool iyo Tottenham, kahor inta aanay marti gelin City.

Manchester United, ayay se u yara sahlan tahay, oo waxay la ciyaaraysaa Leeds, Southampton, Wolves, Newcastle, West Ham, Aston Villa iyo Everton kahor biririfta qaramada.

Halkan ka eeg isku aadka oo dhan….

Hadalsame Media