Hadal ay horay u sheegtay DF Somalia oo beenoobey & xaalad murugo leh oo ka jirta xeebaha dalka

0

(Muqdisho) 16 Juun 2021 – Waxaa lasoo saaray boqolleey ku saabsan tirsada dalalka Somalia ka jillaabta ee ka wada kalluumaysiga sharci darrada ah.

Dalka ugu darani waa Thainland oo 27% ka kalluumaysta xeebaha Somalia, taasoo ka dhigan ku dhowaad 3 meelood oo hal meel tirada guud ee kalluumaysiga halkaa ka socda, waloow aan lasoo bandhigin maraakiibta Shiinaha oo intaa ka badnaan kara, balse isagu heshiis aan la faahfaahin oo aan la aqoonin cidda qaadata kharashka kasoo baxa kula jira Wasaaradda Kalluumaysiga ee DF Somalia.

Dalalka Thailand kusoo xiga Muslim ayay u badan yihiin. Tusaale, waxaa ku xigta Jamhuuriyadda Iiraan oo xatooyada xoolaha Somalia ka qabsata 23%, kaddibna Yaman oo xatooyada caalamiga ah ka ah 17%, taasoo ay dheer tahay inay Yaman sharci darro ku haysato qayb ballaaran oo ka tirsan biyaha Somalia, maadaama ay Suqadra oo jasiirad ah u samaysatay EEZ, taasoo ka horjeedda xeerarka badaha.

Waxaa sii xiga Imaaraadka iyo Masar oo 8 iyo 7% kala ah sida ay u kala horreeyaan.

Arrintan kalluumaysiga sharci darrada ah ee sii socda ayaa meesha ka saaraysa war ay horay u faafisay DF Somalia oo ahaa inay rakibatay qalab lagu ogaanayo doonyaha iyo maraakiibta ka jillaabta biyaha Somalia, balse marka laga reebo mar qura kaddib wax war ihi kama soo bixin qalabkaasi iyo waxa uu qabto.

Siyaasadda hanka yar ee Somalia oo inta badan diiradda lagu saaro ciddii ku fariisanaysa kursigaas ay ilaaliyaan dalalka Afrikaanka ah ee lagu biilo Somalia, ayaan abid keeni doonin qaabad iyo qorshe lagu ilaaliyo xeebaha Somalia, maadaama aysan berrigaba soo dhaafin.

Waxaa kale oo xusid mudan inay xeebaha Somalia joogaan dalal badan oo sheega inay ilaaliyaan hubka iyo burcad badeedda, balse badankoodu waxay ilaaliyaan maraakiibtooda halkaa ka kalluumaysanaysa, balse ma jirto siyaasad uga degsan DF Somalia.

Halkan ka eeg boqolleeyda….

Hadalsame Media