DAAWO: Arrin ay Muqdisho kusoo kordhiyeen qaxootiga Suuriya oo soo jiidatey indhaha caalamka

0

(Muqdisho) 16 Juun 2021 – Tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka qarxey dalka Suuriya 2011-kii, qaxooti malaayiin ah oo Suuriyaan ah ayaa u kala qaxay daafaha dunida, waxaana dalalka ay gaareen ka mid ah Somalia.

VOA qaybta Ingiriisiga ayaa warbixin ka samaysay sida ay qaxootiga Suuriyaanka ah ee ku dhaqan Muqdisho nolosha ula tacaalaan iyo mihnadaha ay kusoo kordhiyeen dalka ee wax ka taraya dhaqaalaha maxalliga ah.

”Qaxooti badan oo Suuriyaan ah ayaa halkan fursado ka helay oo howlo cusub ka bilaabay, tiiyoo ay Somalia lafteedu dagaallo kasoo kabanayso.” ayuu yiri Sakariye Aserkan oo makhaayad ku leh Muqdisho.

Dr Maxamuud Saalax oo ah Dhakhtar ilkood ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisu ay muddo 4 sanadood ah Muqdisho ku noolaayeen. ”Waxaan hadda isu aragnaa inaan nahay Soomaali.” ayuu yiri.

Hadalsame Media