”Shusha waxay u noqotay dadkii lahaa!” – Turkiga & Azerbaijan oo heshiis taariikhi ah ku galay magaalo muhim ah oo laga xoreeyey Armenia

0

(Shusha) 15 Juun 2021 – Turkey iyo Azerbaijan ayaa kala saxiixday heshiis is faham ah oo ay ku dhisanayaan isbahaysi xiriirkoodu sare usii qaadaya xilli uu MW Recep Tayyip Erdoğan uu booqasho taariikhi ah ku tegey magaalada qadiimiga ah ee Shusha oo uu kula kulmay dhiggiisa Azerbaijani, Ilham Aliyev.

Shir jaraa’id oo ay wada qabteen, Aliyev ayaa sheegay inay ka wada arrinsadeen arrimo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale iyo sidoo kale iskaashi ay ka sameeyaan dhanka millateriga, isagoo sheegay in Turkey iyo Azerbaijan ay dunida midnimadooda tuseen intii uu socdey dagaalkii Nagorno-Karabakh.

Erdoğan ayaa isna sheegay in “Karabakh ay u laabatay dadkii lahaa” isagoo Azerbaijan guusha ugu hambalyeeyey mar kale, isagoo ballan qaaday in Turkigu ay Qunsuliyad ka furan doonaan magaaladan qadiimiga ah ee Shusha.”

Erdoğan waa hoggaamiyihii ugu horreeyey ee booqda magaalada tan iyo markii ay Ciidamada Azerbaijani ay xoreeyeen bishii Nofeembar kaddib 28 sanadood oo ay haysteen Armenia, iyadoo Shusha, oo lagu naanayso Luulka Nagorno-Karabakh, ay Armenia qabsaday Maajo 8, 1992.

Shusha ayaa leh qiime istaraatiji ah maadaama ay ku taallo dhul sare oo 10 KM koonfur kaga beegan caasimadda Gobolka ee Khankendi (Stepanakert) waxaana mara jidka isku xira magaalada iyo dhulka Armenia.

Magaalada ayaa sidoo kale astaan taariikheed iyo mid dhaqan u ah Azerbaijan, iyadoo lasoo celiyey goobo badan oo taariikhi ah. Sidoo kale dad badan oo caan ah, fanaaniin iyo aqoonyahanno Azerbaijani ah ayaa ku dhashay magaaladan.

Hadalsame Media