”Maxaan Somalia ugu dhalan waayey!” – Dadka reer Yaman oo faafinaya sawirro qurxoon oo Somalia ku saabsan (Arag fal-celinta)

0

(Sanca) 12 Juun 2021 – Dadka reer Yaman ayaa sanado badan hayey xog ku saabsan xasaradda Somalia oo sanado badan ku jirta dagaallo sokeeye oo ay haatan kasoo kabanayso.

Waxaa sidoo kale Yaman joogi jirey qaxooti aad u fara badan oo Soomaali ah kuwaasoo ay badankoodu ka qaxeen Somalia isla markaana ku dac darraysnaa xerada Al Jaxiim iyo magaalooyin kale.

Haatan, shacabka Yaman ayaa ku jira dagaal sokeeye iyagoo sidoo kale wajahaya faragelin uga imanaysa dalal shisheeye oo ay ku jiraan kuwa deriska la ah, taasoo ah wadciga siyaasadeed oo la mid ah midkii Somalia.

Waxay haddaba soo qaataan muuqaallo iyo sawirro Somalia ah oo muujinaya soo kabasho iyo rajo iyagoo is barbardhigaya sidii ay beri Somalia rajo la’aanta u ahayd, iyaguna u dhaameen iyo xaaladda riiqda ah ee ay maanta ku jiraan halka ay Somalia u muuqato mid cagta saaraysa jidkii nabadda.

Mid baa sawirro Somalia ku saabsan, gaar ahaan Muqdisho oo lasoo dhigay bogga Sancaa Ruuxi uga jawaabey ”Hoogaygee maxaan Somalia ugu dhalan waayey.”

Halkan hoose ka eeg fal-celinta shacabka…

Hadalsame Media