”Ma rabo raalli gelintaada!” – Xasarad ka dhex oogan Xulka France & laba xiddig oo is maandhaafsan

0

(Hadalsame) 12 Juun 2021 – Kylian Mbappe ayaa diidey raalli gelin uu bixiyey qannaaska Olivier Giroud oo hadal ku duray kaddib guushii ay 3-0 uga itaal roonaadeen Bulgaria Talaadadii tagtay.

Xurgufta gudeed ee ka dhex taagan xulka Faransiiska ayaa wiiqaysa rajadooda guul ay kasoo hooyaan Euro 2020 oo xalay ka furmay magaalada Roma, waloow lagu dheelayo magaalooyin kala duwan.

Giroud ayaa kaydka kasoo kacay kulankaas isagoo 2 gool dhaliyey, balse laba ka mid ah weerarka uu ku tashanayo Didier Deschamps ayaa durba madaxa iskula jira.

Kaddib guushii Bulgaria wuxuu weerarka Chelsea si furan u yiri: “‘Mararka qaar waad ordaysaa bal kubaddii laguma siinayo. Dabcan waa inaan si fiican isula raadinnaa kubadda.”

Mbappe oo fahmey in warkan isaga lagu qandhuufanayo ayaa xitaa macallin Deschamps ka codsaday inuu shir jaraa’id qabto oo arrintan sharraxaad ka bixiyey, iyadoo uu Giroud sheegay in warka aanu hal laacib ula jeedin.

Deschamps ayaa deeto isku dayey inuu xaaladda qaboojiyo isagoo sheegay in mararka qaar ay ugu wacan tahay dhaqaaqa laacibka, wuxuu sidoo kale isku dayey inuu labada laacib kulansiiyo balse Kylian ayaa weli aad u kulul oo raalli gelintii ka dhaartay.

Hadalsame Media