”Huawei cayriya marka hore!” – Imaaraadka oo looga baxay ballantii keentay inay Israel la heshiiyaan (Tibxo cusub)

0

(Abuu Dabeey) 12 Juun 2021 – Imaaraadka Carabta ayaa cadaadis lama filaan ah ka wajahaya Maamulka Joe Biden oo ku armay inay dalkooda ka saaraan agabka sharikadda Shiinaha ah ee isgaarsiinta ee Huawei, welina muddo 4 sanadood ah oo soo aaddan ama ay iska illaawaan in laga iibiyo dayuuradaha F-35 iyo daroonno casri ah.

Iibsiga F-35 ay ahayd sababtii ugu waynayd ee ay sanadkii tegey ula heshiiyeen Israel oo ay tanaasulaadyo badan u sameeyeen, iyadoo uu qorshuhu ahaa in loosoo daabulo 2026 ama 2027-ka.

Yeelkeede, Washington ayaa haatan la timid dood nooc cusub ah oo ku saabsan Huawei, oo ah sharikadda dhanka isgaarsiinta ugu ballaaran Shiinaha oo bixisa kaabayaasha hannaanka casriga ah ee loo yaqaan 5G, taasoo uu Maraykanku sheegay in ay wax u basaasto Xisbiga Shuuciga ah ee China, taasoo uu Shiinuhu dafiray.

Imaaraadka ayaa dalbaday in la siiyo waqti ku filan oo ay ku helaan biddaal ay uga maarmaan shirkaddan, sida ay 3 qof oo is qariyey u sheegeen Bloomberg.

Waa hanjabaaddii 2-aad. Bishii hore waxaa Imaaraadka loo sheegay in iibka dayuuradahani uu halis ku jiro kaddib markii ay Imaaraadku iskaashi dhanka amaanka ah la galeen Beijing, waloow aan xilligaa la carrabaabin Huwaei.

Arrintan ayaa muujinaysa in Imaaraadka oo xilligii Trump lagula heshiiyey in dayuuradahan la siinayo haddii ay saxiixan wax lagu sheegay “Heshiiskii Ibraahiim” in haatan ballantaa dood la geliyey iyadoo uu Maamulka Biden uu horay ugu dhawaaqay in dib u eegis lagu sameeynayo iyadoo ay dadka khubarada ihi sheegayaan inay adkaan doonto inuu Imaaraadku gacanta ku dhigo dayuuradaha F-35 si kastaba, kuwaasoo xitaa horay loogu diidey Turkiga oo NATO ka tirsan.

Walaaca Maraykanka ayaa salka ku haya xaqiiqada ah in tiiyoo loo haysto in Abuu Dabeey ay iyaga xiriir ka qoto dheer Beijing la leedahay, misna sanadkii tegey oo qura waxay Imaaraadku Shiinaha wax kaga iibsadeen $53.67 bilyan oo doollar, taasoo 2 jeer ka badan midda Maraykanka.

Hadalsame Media