DEG DEG: Maxaa laga yeelayaa ciyaartii la sugayey ee Belgium vs Russia (UEFA oo war kale kasoo saartay xitaa middii hore)

0

(Saint Petersburg) 12 Juun 2021 – Kaddib markii la hakiyey kulankii Denmark iyo Finland, waxaa haatan soo baxay wacaal rasmi ah oo ku saabsan waxa laga yeelayo kulankii kale ee ay dheeli lahaayeen labada xul ee Belgium iyo Ruushka oo ay kooxaha hore isku Wareeg B ku jiraan.

Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqday in ciyaartaasi ay u dhacayso sidii loo qorsheeyey goob iyo goorba.

”Kulankii caawa ee UEFA EURO 2020 ee Belgium iyo Russia waxay dhacaysaa waqtigii loo qorsheeyey ee 21.00 ee aminta Yurubta Dhexe.” ayaa loo qoray war rasmi ah oo kasoo baxay UEFA.

Ciyaartan ayaa ka dhacaysa gegada Krestovsky Stadium, oo loo yaqaan Gazprom Arena kaasoo ku yaalla magaalada wayn ee Saint Petersburg ee dalkaasi Ruushka, maadaama sanadkan koobka lagu qabanayo magaalooyin kala duwan.

Dhanka kale, war cusub oo haatan soo baxay ayaa sheegaya in ciyaartii Denmark iyo Finland oo horay loo hakiyey ay dib u bilaabmayso 7.30pm xilliga UK kaddib markii ay kasoo raysay xaaladda Christian Eriksen oo garoonka ku dhacay haatanna isbitaalka yaalla.

Hadalsame Media