Dalka Holland oo lagu qabtay mutuneel qadiimi ah oo laga xaday dal Muslim ah (Waa dalkii 2-aad ee lagu qabto agabkan oo kale)

0

(Ankara) 12 Juun 2021 – Laba shaxan oo 4 gees ah oo mutuneel ah, oo ka mid ah 223 mutuneel oo ah kuwa qadiimiga ah ee loo yaqaan Mutuneelka Iznik oo laga xaday masjid Turki ah oo qadiimi ah 20 sanadood kahor ayaa lagu qabtay Netherlands.

Hay’adaha Turkiga ayaa agabkan gartay iyadoo lagu xaraashayo dalka Holland, waxaana mutuneelladan laga xaday masjidka Ulu Mosque ee gobolka koonfurta Turki ku yaalla ee Adana.

Mutuneelladan ayaa u noqonaya qarnigii 16-aad, waxaana lagu arkay Carwada Farshaxanka Bariga ee Oriental Art Auctions House oo ku taalla Netherlands, halkaasoo loogu soo bandhigay inay “Farshaxan Islaami ah oo la xaraashayo” 4-tii Juun 20220.

Dalka Turkiga ayaa deeto la xiriirey Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, kuwaasoo ay ku wargeliyeen in agabkan iyaga laga xaday.

Wada hadallo badan kaddib waxaa mutuneelladan qadiimiga ah lagu soo hagaajiyey Safaaradda Turkishka ee Hague, taasoo deeto u xawishey Matxafka Etnografya Museum oo ku yaalla caasimadda Ankara.

Ma aha markii ugu horreeysey ee dal Yurub ah lagu qabto mutuneel qadiimi ah oo Turkigu leeyahay.

Bishii Maarso, waxay Turkigu London ku qabteen set mutuneello ahaa oo uu leeyahay masjidka Sotheby oo lagu xaraashayey magaalada London, iyadoo uu Turkigu soo celiyey kumanaan walxood oo qaali ah taariikhina ah oo laga xaday dalkaasi.

Hadalsame Media