Ninkii dharbaaxay MW Faransiiska oo ka hadlay arrin u qorshaysnayd & halka uu haatan ku sugan yahay

0

(Paris) 11 Juun 2021 – Makxamad Faransiis ah ayaa ninkii dharbaaxay MW Faransiiska ee Emmanuel Macron waxay ku xukuntay xabsi 18 bilood ah.

Damien Tarel, oo ah nin 28-jir ah oo jecel taariikhihii casriyadii dhexe, ayaa xabsi dhex jiifey ilaa maalintii uu shilku dhacay iyadoo lagu haysto “dhaqan cunfi ah oo aan sina loo aqbali karin.”

Tarel ayaa MW Macron ku weeraray mar uu isku dayayey inuu gacan qaado shacab iskugu yimid meel fagaare ah oo ku taalla gobolka Drome.

Tarel ayaa qirtay inuu horay uga fikirey inuu Madaxwaynaha ukun ama kareem ku qubo, balse dharbaaxadu ay uun kusoo dhacday daqiiqadihii ugu dambeeyey.

“Waxaan qabaa inuu Macron u taagan yahay nidaamka qurmey ama bololay ee dalkeenna,” ayuu ninkani Maxkamadda ka yiri sida uu sheegay BFM TV.

Tarel ayaa loo haystaa dembi ah cunfi lagula kacay sarkaal dadwayne, taasoo keeni karta ganaax dhan 45,000-euro ($54,750).

Hadalsame Media