Khayrre wax ma laga waydiin karaa mas’uuliyadda ciidamada loo qaaday Eritrea? (Laba arrimood & hal)

0

(Hadalsame) 11 Juun 2021 – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, haddana ah musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya, ayaa ay siyaasiyiinta qaarkood soo jeediyeen in wax laga waydiiyo mas’uuliyadda dhalinyaradii Soomaaaliyeed ee loo diray dalka Eretria.

Kheyrre ayaa ahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya xiliga askarta Soomaaliyeed loo daaabulayay Eritrea, kuwaas oo la qaaday saddex jeer oo kala duwan, islamarkaana illaa iyo hadda aan war iyo wacaal laga hayn xaaladdooda, waloow ay DF Somalia shalay sheegtay in ay ciidankani bed qabaan oo goor dhow loosoo daabuli doono dalka.

Yeelkeede, waxaa taagan su’aasha ah in sideedaba Khayrre arrintan wax laga waydiin karo iyo in kale? Khayrre wuxuu haystaa 2 qiil:

1 – Madaxwaynaha Somalia, Md Maxamed Farmaajo, isaga ayaa ah Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida, sidaa darteed, wixii mas’uuliyad ah oo ku saabsan ciidamada qaybohooda kala duwani waxay mas’uuliyad ahaan ku dhacayaan xayndaabka Madaxwaynaha, marka la abla-ableeyo awoodaha la kala leeyahay.

2 – MW Farmaajo isaga ayaa kaligii wad wadey qorshaha ”heshiiska Somalia iyo labadan dal”, wuxuuna mararka qaar safrayey isagoo aanay xitaa wehlinaynin madax kale oo sare, sidoo kale marka ay timaado heshiisyada la saxiixay kuma jiraan kuwo uu Khayrre soo saxiixay oo ku saabsan waxan lagu sheegay heshiiska seddax geesoodka ah (tripartite) ee 3-da dal oo ay ku jireen kuwo iskaashi amaan.

Waxaa jirta arrin kale oo ah in RW hore xilka laga qaaday bishii 7-aad, halka dagaalka uu Abiy Axmed ku qaaday Gobolka Tigraay la qaaday bishii 11-aad, taasoo xitaa ciidan loo diray Tigraay dhacday xilli aanu mas’uuliyad haynin RW hore, haddii la cayimo waa 3 bilood iyo 12 maalmood is casilaaddiisa kaddib.

Sidaa darteed, ma jirto mas’uuliyad rasmi ah oo ku dhacaysa xayndaabka RW hore, ha yeeshee, midda qura ee isaga lagu leeyahay waa inuu ka hadlo wixii uu ka ogaa sidoo kale uu dadka u sharraxaa qaab-dhismeedka agaasinka jirey iyo wixii dhacay.

Hadalsame Media