ITALY VS TURKEY: Koobka Euro 2020 oo caawa furmaya & safafka ay kusoo geli karaan labadan xul

0

(Roma) 11 Juun 2021 – Waxaa caawa furmaya Tartanka Euro 2020 oo sanadkii hore baaqday Covid-19 dartii. Italy ayaa fursad siinaysa Manuel Locatelli iyo Domenico Berardi, halka ay Turkigu ku tiirsanaan doonaan Hakan Calhanoglu, balse ay door cusub siin karaan Kaan Ayhan.

Ciyaartan oo caawa 21:00 ka dhacaysa gegada Stadio Olimpico ee Roma, ayay Talyaaniga ka maqan yihiin Stefano Sensi iyo Lorenzo Pellegrini oo khadka dhexe wada ah, halka Marco Verratti aanu weli si buuxda usoo kabanin.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Locatelli, oo ciyaaray kulankii ay 4-0 direen Czech Republic, uu dhexda ku wehlin doono Jorginho iyo Nicolò Barella.

Dhanka kale, Sky Sport Italia, ayaa qoraya in laacibka Sassuolo ee u dhashay Turkey ee Kaan Ayhan uu caawo ka ciyaari karo boos cusub oo ah raace khad dhexe ah, tiiyoo ay jirto inuu daafaca uga dheelo kooxdiisa Neroverdi, waxaana dhexda jaal kula noqonaya raacaha kale ee West Brom ee Okay Yokuslu iyadoo ay Turkigu isku deyayaan inay dhexda ka moosaan dhismaha weerarka Azzuri, kaddibna abuuraan weerar rogaal celis ah.

Taas waxay uga tashanayaan kubad qaabeeyaha AC Milan ee Hakan Calhanoglu, Kenan Karaman iyo Yusuf Yazici oo ka dambeeya qannaaska qawaarka ah ee Burak Yilmaz. Dookh kale waa laacibka Roma ee Cengiz Under, oo u amaahan Leicester City.

Hoos ka eeg shaxda suurtagalka ah ee labada xul:

Italy (4-3-3): G Donnarumma; Florenzi, Bonucci, Chiellini, Spinazzola; Barella, Jorginho, Locatelli; Berardi, Immobile, Insigne

Turkey (4-2-3-1): Cakir; Celik, Soyuncu, Demiral, Meras; Yokuslu, Ayhan; Karaman, Calhanoglu, Yazici; B Yilmaz

Gar: Makkelie (NED)

Hadalsame Media

Facebook Comments