”Walaac baad nagu beertay!” – Sucuudiga oo telefoonkii ka qaatay xaaska Wakiilka Xamaas u fadhiya dalkaasi (Aaway isagii?)

0

(Riyaad) 10 Juun 2021 – Nidaamka Sucuudiga ayaa la wareegey telefoonka xaaska wakiilka xiran ee Xamaas, Mohammed Al-Khodari, taasoo keentay in ehelkiisu aanu haatan heli karin qaab ay kula xiriiraan.

Ciidamada ayaa weeraray guriga 82-jirka Al-Khodari iyagoo deeto su’aalo maraanmar ah waydiiyey xaaskiisa oo 70-jir ah oo lagu magacaabo Wejdan, iyagoo deeto ku khasbay inay saxiixdo qoraal dhigaya inaanay warbaahinta kala hadli karin xaalka ninkeeda, sida uu sheegay Abdul Majed Al-Khodari, oo la dhashay odaygeeda oo la hadlay Safa.

Ciidamada amaanka Sucuudiga ayaa guriga si xun u baaray iyagoo sidoo kale sawirro ka qaaday gudaha iyo dibeddiisa, isla markaana xaaska ku yiri ”walaac baannu ka qabnaa” waraysiyada aad siiso saxaafadda.

Al-Khodari ayaa Sucuudiga ku noolaa ku dhowaad 30 sanadood isagoo gaar ahaan wakiil ka ahaa maaraynta xiriirka ay dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Falastiin la lahaayeen Boqortooyada oo xabsiga dhigtay sanaddii 2019.

Wuxuu siyaasigani haatan la ildaran yahay kansarka prostate-ka, wuxuuna u baahan yahay daryeel caafimaad taasoo la xaqiijiyey inaan xabsiga lagu siinin.

Waxaa lagu wadaa in maxkamad lasoo taago 21-ka bishan Juun. Lama se faahfaahin eedda loo haysto.

Dalal badan oo Khaliijka ah ayaa haatan la bareeraya taageerada ay u hayaan Israel, kaasoo ay awal qarin jireen, waloow uu jirey.

Hadalsame Media