Dadwayne dhigay Dibexbax lagu dalbanayo wacaalka dhallinyaradii Eritrea (Arrin ay tahay in la fahmo)

0

(Muqdisho) 10 Juun 2021 – Waxaa maanta Muqdisho ka dhacay dibadbax ballaaran oo looga dhiidhinayey askarta Soomaaliyeed ee la geeyey dalka Eritrea, kuwaasoo la xaqiijiyey inay qaar badani ay ku le’deen dagaalkii woqooyiga Itoobiya.

Sida lagu xaqiijiyey dhowr warbixin oo ay tii ugu dambaysey kasoo baxday QM, waxaa dhllinyaradaa oo lagu qaaday qorshe marin habaabin ahaa oo ku aadanaa inay ka shaqaynayaan dalka Qadar kaddib loo weeciyey Eritrea iyadoo deetana la geliyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigraay.

Dadka maanta ku dibedbaxay magaalada Muqdisho oo ay ku jireen waalidiinta iyo ehelada askarta weli raq iyo ruux la la’yahay ayaa iskugu soo ururay Isgoyska KM4 oo ka mid ah faras-magaallada Muqdisho, iyagoo ku qaylinaya halkudhegyo ay ku dhaliilayaan DF Somalia iyo hoggaankeeda oo ay ka dalbadeen in ay wax ka yiraahdaan wacaalka wiilashooda maqan.

Qaarkood oo warbaahinta maxalliga ah u warramay ayaa iyagoo qiiraysan waxay MW Farmaajo ka dalbadeen inuu arrintan meel saaro oo ka hadlo sida ay wax u dheceen, iyadoo la sheegay in markii dambe ay halkaa tageen ciidamo ka tirsan DF oo kala dareeriyey dibedbaxayaashii.

Arrintan oo ay siyaasiyiinta qaarkood ka dhiganayaan ciyaar siyaasadeed ayaa u baahan in aan loo eegin mucaarad iyo muxaafad balse loo arko mas’alo qaran oo mudan in lagula xisaabtamo ciddii ka dambaysa, maadaama ay tahay tillaabo si kasta u khaldan.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments