”10 sano kahor sidii film ayaan u daawan jirney dalalka kale!” – Turkiga oo sheegay inuu gacanta ku hayo farsamooyin dunida ka yaabin doona

0

(Ankara) 10 Juun 2021 – Turkiga oo caalamka wacdaro kaga dhigaya dayuuradaha is wada ee dagaalka (UAVs) ee uu sameeyo ayaa haatan higsanaya inuu qaado tillaabooyin kale oo ka yaabis ah, sida uu sheegay Wasiirka Wershadaha iyo Tiknolojiyadda, Mustafa Varank.

Wasiir Varank ayaa ku faanay in dunidu ay ka “sheekayn doonto daroonnadooda, balse aysan ka hadli doonin dayuuradaha Maraykan-sameega ah ee F-35,” isagoo sheegay in dalal aad u yari ay awood u leeyihiin maalgashiga tiknolojiyaddan.

Wuxuu sheegay in 10 sanadood uun kahor aysan waxba ka geli jirin arrimaha daroonnada, balse haatan ay hawooyinka Yurub caan ka noqonayaan daroonnada ay Turkigu sameeyaan, kaddib markii ay Poland noqotay dalkii ugu horreeyey ee NATO ah ee iibsada.

“Berigii hore sidii film ayaannu u daawan jirney dedaallada tiknolojiyadeed ee dalalka kale, balse maanta waxaan leennahay cilmi baaris noo gaar ah oo hawada sare ah.” ayuu ku tiiq tiiqsaday Wasiirku.

Wuxuu intaa raaciyey in maadaama dalkiisa laga cayriyey barnaamijka dayuuradaha F-35, ay haatan ku tala jiraan inay samaystaan dayuurado biddaal ah oo ay uga maarmaan, kuwaasoo ay daraasadaynayso hay’adda Turkish Aerospace Industries (TAI).

Hadalsame Media