Ruushka oo ay ku ”cadaatay” inuu isagu soo ridey dayuurad rakaab ah oo uu lahaa dal Muslim ah

0

(Hague) 09 Juun 2021 – Gantaal Ruush-samee ah oo la yiraahdo BUK ayaa lagu tiray inuu yahay midka lagu soo ridey duullimaadkii MH17 ee mareeysey bariga Ukraine 2014, sida ay sheegeen garsoorayaal Dutch ah kaddib markii ay dib u eegeen cadaymaha.

Garsoorayaasha ayaa shilkan ku qaadayey 3 Ruush ah iyo mid Ukrainian ah oo loo haysto musiibadii ay ku dhinteen 298 qofood oo saarnaa dayuuradii Malaysia Airlines, iyadoo aanay jirin “sabab kale oo suurtagal ah,” sida uu ku doodayo madaxa garsoorayaasha Hendrik Steenhuis.

Garsoorayaasha ayaa soo bandhigay muuqaal si cad loogu jeedo walax jiidaya qaac cad oo kasoo baxaya dhulka meel u dhow Pervomaiskyi oo ah bariga Ukraine kaddibna cirka isku shareeraya xilligii ay dhacday dayuuraddii Boeing 777.

Qof goobjoog ah ayaa sheegay in gantaalku uu hawada “duulayey 20 ilbiriqsi in yar uun kahor intaanu ku dhicin shirkii dayuuradda,” sida ay garsoorayaashu sheegeen.

Dayuuradda ayaa kasoo haaddey gegada Amsterdam ee Schiphol Airport iyadoo kusii jeeddey Kuala Lumpur markii ay ku dhacday bariga Ukraine oo ay ka taliyaan jabhad gooni goosad ah oo uu Ruushku taageero.

Baaris caalami ah oo horay loo sameeyey ayaa gantaalka BUK toos ugu eedaynayey Guutada Lidka Dayuuradaha Ruushka ee 53-aad oo ku sugan magaalada Kursk, iyadoo markan aad loo hubinayey nooca gantaalka dayuuradda ku dhacay, doorka eedaysanayaasha, halka laga soo ganay iwm.

Hadalsame Media