GANTAAL RARTE: Maraykanka oo samaynaya gantaal xamuul & dad qaadaya oo saacad ku gaynaya meel kasta oo dunida ah (Daawo)

0

Gantaalkan oo la awood ah dayuuradda xamuulka ah ee loo yaqaan C-17 Airlifter, ayaa la doonayaa inuu adeeggaas geeyo meel kasta oo dunida guudkeeda ka tirsan weliba 1 saacadood iyadoo uu gantaalku yahay kuwa qaada markabyada 7-qaadka ah ee loo diro Saldhig Cireedka ISS ee Hawada Sare.

Barnaamijkan oo sanadka soo aaddan la bilaabayo ayaa miisaaniyaddiisa waxaa lagu muddeeyey 2022, iyadoo la dalbaday $48 milyan oo doollar oo cilmi baaris ah.

Mashruucan oo lagu naanayso ”Rocket Cargo Program” ayaa marka si rasmi ah loo bilaabo dhismaha gantaalkan waxaa ku baxaysa balaayiin doollar.

Waxyaabaha laga fikirayo waxaa ka mid ah degaalka gantaalkan maadaama ay gantaaluhu qarxaan marka ay meel ku dhacaan, balse waxaa laga fikirayaa in canaabta la sii saarayo maraakiib yar yar oo kasii fuqaysa gantaalka marka uu soo hoobto iwm.

Dayuuradaha xamuulka ciidanka ee C-17 Airlifter

Hadalsame Media