Magaalo ka tirsan Somalia oo 90% korontadeeda ka hesha tamarta qorraxda (Daawo gabar injineeriyad oo…)

0

(Garoowe) 06 Juun 2021 – Somalia waa dal dhaca dhul-baraha caalamka, sidaa darteedna hela qorrax aad ugu filan, balse qorshe xumi siyaasadeed oo jira darteed lagama faa’iidaysto qorraxdaas oo laga soo saari karo kumannaan Kilowat oo ah koronto nadiif ah oo misna rakhiis ah.

Waxaa sidoo kale Somalia ku habboon korontada dabaysha, midda mowjadaha kulul ee badda iyo xitaa midda biyaha laga dhaliyo.

Haatan Somalia qiyaastii 16% oo qura ayaa hela koronto la isku hallayn karo iyaduna aad bay qaali u tahay mana hufna farsamo ahaan, amaan ahaan iyo tayo ahaanba marka loo eego heerka caalami.

Injineerad Saciida Xasan oo ku sugan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, Somalia, ayaa sheegtay in hadda 90% ay dadka Garoowe helaan koronto la cusboonaysiin karo, taasoo ah midda aan shidaalka lagu soo saarin.

Arrintani waa baraarug cusub oo jira iyadoo halkan ay ku jirto fursad badan oo ay ka faa’iidaysan karto Somalia oo ah dal kasoo kabanaya daahiilka dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Magaalooyin kale oo Somalia ah oo ay ku jirto caasimadda Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka soconaya mashaariic cusub oo dhanka korontada laga dhaliyo qalbacyadan soo nuugaya tamarta qorraxda.

Hadalsame Media