DAAWO: Waa kee ninka abaabuley kufsiga Saafi Cumar oo ah Fannaan Youtube halkeese haatan ku sugan yahay?

0

(Hadalsame) 06 Juun 2021 – Saafi Cumar ayaa sheegtay inay weli dareemayso uur ku taallo kasoo gaartey kufsi lagula kacay iyada oo 16-jir ahayd. Waxay ahayd 1986-kii.

Saafi ayaa sheegtay inay aabbeheed iyo hooyadeed ay kala tageen iyagoo yar yar taasina ay keentay inuu qoyskii kala lumo kaddib markii uu aabeheed xaas kale guursadey. Hooyadii ayaa aaddey Sucuudiga kaddibna waxaa ilmihii oo ay ka mid tahay Saafi oo aan weli 10-jir gaarin loo geeyo ayeeyadood.

Halkan ka akhri sheekada….

Haddaba, Saafi Cumar ayaa sheegtay magaca ninka kufsigeeda agaasimey ee abaabuley, gaariga ku qaaday, ragga kale ee ay 4 nin ku sheegtayna ku casuumey.

Ninkaas ayay Saafi ku sheegtay nin la yiraahdo Cabdullaahi Goofjoog ama Cabdullaahi Goof oo haatan ka mid ah fanaaniinta Youtube ee ku sugan dalkaasi Canada, sida ay ugu dhaaratay waraysi ay siisay Farxiya Cabsiiye.

Hadalsame Media