RASMI: Facebook oo go’aan cusub ku ridey Donald Trump (Imisa ayuu ka maqnaanayaa Facebook?)

0

(Menlo Park, CA) 04 Juun 2021 – MW hore ee Maraykanka ee Donald Trump ayaa xayiraad dheeri ah laga saaray Facebook oo uu haatan sii moogaan doono muddo 2 sanadood ah kaddib go’aan cusub oo haatan soo baxay, taasoo ka dhigan in hab-raaca Facebook aysan aamin ka noqon dooin madaxda siyaasaddu.

“Marka la eego qarada duruufihii keenay in Md Trump la xannibo, waxaan aaminsan nahay in tillaabooyinkiisu ay ahaayeen kuwo uu kula tuntay xeerarkeenna taasoo mudan ciqaabta ugu sarraysa,” ayuu yiri MW Xigeenka Facebook ee arrimaha caalamiga ah, Nick Clegg.

“Waxaan hadda Facebook ka xannibaynaa muddo 2 sanadood ah oo dheeraad ah, taasoo ka bilaabanaysa maalintii ay xannibaaddii hore bilaabatay oo ahayd 7-dii Jannaayo.” ayuu raaciyey.

Facebook ayaa go’aanka xannibaadda ah gaarey kaddib markii uu Trump oo weliba xilligaa MW ka ahaa Maraykanku uu amaanay qas wadayaashii weeraray Koongarayska dalkaasi oo ah astaanta ugu sarraysa dowladnimada Maraykanka 6-dii Jannaayo, waxaana Facebook laga joojiyey maalintii xigtey, iyadoo aan awal waqti cayiman loo qabanin xannibaadda la saaray.

Trump ayaa sidoo kale laga eryey Instagram iyo Twitter, waana markii ugu horreeysey taariikhda ee sidaa lagu sameeyo MW Maraykan ah amaba xitaa hoggaamiye dal.

Hadalsame Media