Maxay DF Somalia ka kororsan kartaa doorashada kobacday ee Somaliland?!

0

(Hadalsame) 04 Juun 2021 – Waxaan ugu hambalyaynayaa Somaliland xukuumad iyo shacab doorashada qof iyo codka ah ee shalay ka dhacday.

Waxay muujisay hormuudnimo iyo bisayl siyaasadeed oo ay dheeryihiin soomaalida kale.

Siyaasiyiinta muqdisha ku legdamaya 20 sano wexey awoodi la’yihiin xitaa doorasho deegaan, iska daa “doorasho madaxweyne” ama barlamaan! Sababta ugu weyni waa hadal aan daacad laga ahayn oo ah doorasho qof iyo cod baan qabaneynaa muddo 12 sano lagu cel celinayey, waxna ka naasa caddayn.

Dawladihii soomaaliya 20 sano, oo tan hadda ugu dambaysa dhabarkeedu sii muuqdo, wexey ku fashilmeen iney soomaaliland wada hadlaan oo wax isla gaaraan, muhimmaddii arrinku mudnaana siiyaan.

Kaaga darane, dad tashaday oo dawlad leh, barlamaan leh, madaxweyne leh, ciidan leh, hay’adihii dawladda oo dhan leh, doorasha leh, adduunka la dhaqmaya, oo horumar samaynaya ayey ku leeyihiin “ kuraastoodi ayaa lagu muransanyahay”, bal khiyaaligaa fasira.

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media