(Hadalsame) 04 Juun 2021 – MW Muuse Biixi, ayaa salaadii jimcaha kaddib, wuxuu u yeedhay qaar kamid ah xubnihii komishanka u qaabilsanaa xisbigiisa si’uu u waydiiyo sababta Kulmiye looga adkaaday.
S: Fanaaniinta raac dheh. Meeyey Cali Gurey?
M: Madaxweyne Cali Gurey, Xalay buu hambalyeeyey Maxamuud Xaashi.
S: Jaw, meeyey kii arrimaha dibbeda ahaan jiray magaciisu muxuu ahaa?
J: Madaxweyne ma Maxamed Cabdillaahi Cumar?
S: Haa meeyey kaasi bal iigu yeedh!
J: Madaxweyne Nairobi buu fadhiyaa oo wuxuu ku mashquulsan yahay diyaarinta maqaaladii lagu dhaliili lahaa Soomaaliya.
S: Waar maqaaladooduna meel ma gaadhaane, orod iigu yeedh kii Laabsaalax ahaa!
J: Madaxweyne Laabsaalax Doorashadii buu ku dhacay oo wuxuu diyaarinayaa heestii uu isku maydhi lahaa.
S: Hees maxay ah ma qof dhacay baa hees kaga hadlaya dhicistiisa?
J: Haa Madaxweyne heesta waxaa midhaheeda kamid ah “Hadaan dhacay ma dhimane maxaa adiga kaa galay?”
S: Yuu ku leeyahay maxaa adiga kaa galay?
J: Madaxweyne, waxaan filayaa inuu naftiisa hiifayo.
Waxaa Qoray: Cabdirisaaq Terra
Hadalsame Media