Dayuuradaha Kenya oo duqaymo rayid wax ku noqdeen ka gaystey Gedo (Arrin xadgudub ah oo ay sameeyeen & magacyada meelaha…)

0

(Ceel Cadde) 03 Juun 2021 – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqaymo ay dayuuradaha Kenya ka gaysteen degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo, halkaasoo laga soo sheegayo khasaare nafeed oo rayidka gaarey iyo burbur hantiyeed.

Duqeyntan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay si gaar ah uga dhacday deegaanka Ceel-Cadde ee gobolkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Xogo ku dhow degaannada la duqeeyey ayaa sheegaya in ilaa haatan la ogyahay geerida hooyo Sahra Aadan Warsame iyo 2 carruur ah oo ay dhashay, halka ay dhaawacmeen 3 carruur ah oo kale oo ay isla iyadu dhashay, weliba dhaawacyo halis ah. Qof kale ayaa isna dhaawaciisa la sheegay.

“Duqaynta ayaa lala beegsaday guryo ay dad shacabka ah deganyihiin hooyo ayaa ku dhimatay 5 caruur ahna waa la dhaawacay ciidanka Kenya ayaa ka dambeeya” ayuu u qof goobjoog ihi u sheegay Radio Mustaqbal oo ku yaalla Muqdisho.

Degaannada la duqeeyey ayaa waxaa ka mid ah Ceel Cadde, Iikooley, La Heley, Warburay, Burcalaan, Dhamaaso, Watr Gaduudo, Qulqul Shubaal, Balanbaal, Muudale, Abroone, Busaar, Cows Qurun iyo Darusalaam.

Duqaymaha ay Kenya ka gaysanayso degaannadan ayaan wax sharciyad ah haysanin, iyadoo sidoo kale horay marar badan u burburisay xarumo isgaarsiineed, mana jiro dedaal siyaasadeed oo ay Dowladihii kala dambeeyey ee dalku ka gaysteen in Kenya arrimahan lagula xisaabtamo, maadaama ay ku xadgudbayso madax bannaanida gayi ee Somalia.

Hadalsame Media