BBC oo ceeb kale dhex istaagtey kaddib markii ay masaxday muuqaallo ka hadlayey taariikhda….

0

(London) 03 Juun 2021 – Idaacadda BBC ayaa degelladeeda ka masaxday muuqaallo waxbarasho ahaa oo ku saabsanaa taariikhda qabsiga dhulkaas iyo sida ay dhulalka ay qabsadeen uga sifeeyeen dadka Falastiin, kaddib markii ay cadaadis kala kulmeen lobby u dooda Yuhuudda oo la yiraahdo UK Lawyers for Israel (UKLFI).

Muuqaallada ayaa ka mid ahaa barnaamij 7-qaybood ahaa oo ka mid ahaa GCSE Bitesize Series, waxaana looga gol lahaa in carruurta lagu baro gumaysiga sanadaha badan qaatay ee Israel, iyadoo lagu cabirayey midab takoorka iyo bahdilka lagu hayo dadka aan Yuhuudda ahayn.

Bishii Maarso, UKLFI ayaa warqad rasmi ah oo cabasho ahayd u diray BBC iyagoo ku doodaya in muuqaalladaasi “aanay isu miisaannayn oo dhinac ka raran yihiin”, iyagoo hay’adda ku eedeeyey inay “dhiirri gelinayso in wax khalad ah lagu baahiyo dugsiyada”.

Haatan BBC ayaa qiil ka dhiganaysa in ay muuqaalladaa saartay si ay dib u eegis ugu samayso iyagoo ka maqnaan doona madlaha warbaahinta inta laga hubinayo kaddibna BBC ayaa go’aaminaysa in lasoo celin karo iyo in kale, sida uu sheegay Madaxa BBC Education, Helen Foulkes.

Jonathan Turner, Xoghayaha Guud ee UKLFI oo kaddib go’aanka BBC guul ku geeraaraya ayaa sheegay in ay “BBC waydiisteen inay baaris ku samayso arrintan si buu yiri si aanu muran ku jirin loogu soo bandhigo arrintan”, isagoo wax ”muran ku jiro” kasoo qaaday taariikh ay dunida oo dhami ogtahay

MEMO oo BBC waydiiyey inay taariikhyahannada, khubarada iyo aqoonyahanka arrintan u bandhigeen kahor intii aanay muuqaallada tuurin ayaan helin wax jawaab ah.

Ma aha markii ugu horreeysey, waayo bishii Abriil, 2 iskuul oo Ingiriis ah ayaa bedeley qoraalka 2 buug oo ka hadlaya Bariga Dhexe, jaddib markii ay cadaadiyeen UKLFI iyo Board of Deputies of British Jews (BoD).

Hadalsame Media