DAAWO: Danjiraha cusub ee Imaaraadku u dirtay Israel oo sameeyey arrin laga xishoodo caqiiddo ahaanna shaki badan keentay

0

(Hadalsame) 02 Juun 2021 – Safiirka Imaaraatka carabta oo Duco Ka Codsaday Culimada Yuhuuda.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Israel ayaa sheegtay in safiirka Imaaraad-ka u jooga Israel, Maxamed Khaajah, inuu booqday guriga madaxa Golaha Wadaaddada Caqiidada Tawraat ee israel.

Danjiraha ayaa u dhaqmay si ka arradan xirfadaha diblomaasiyadda isagoo iska burqaday markii uu hadlayey oo aad u amaanay Israel iyo dadkeeda oo uu ku sheegay kuwo ”qalbi fiican”, halka uu weerar ku qaaday Ikhwaanka iyo Al Jazeera.

Wargeys ku Hadla afka Wasaaradda Arimaha Dibeda ee Israa’iil oo arintan ka hadlaya ayaa qoray:

“Maanta Safiirka imaaraad-ku wuxuu ka soo Barakaystay Wadaadka ugu sarreeya Golaha Caqiidada Tawraat Shalom Cohen, iyadoo markii safiirku uu booqday guriga wadaadka oo ku yaal Quddus uu sidoo kale ka soo helay barakada culimada ugu waaweyn Yuhuuda.”

Wargeyska ayaa intaas ku daray in safiirka imaaraatka Maxamed Al Khaja iyo Raahibka ugu sareeya caqiidada Tawreed uu ku saabsanaa Dardargelinta heshiisyadii Ibraahiimiyada , Iyagoo is dhaafsaday hadiyado .

Safiirka imaaraad-ka Maxamed Al-Khaja ayaa ku casuumay Shalom Cohen oo ah Wadaadka ugu sarreeya Golaha CaqiidadaTawraat inuu ka soo kaqeyb galo furitaanka Macbadka saddexda Diimood ee Abraham ee Laga furayo magaalada Abu Dhabi.

Madaxa caqiidada Tawraat Shalom Cohen oo la dardaarmayey Sadiirka Imaaraatka wuxuu ku yiri Sidan .

“Mudane safiir heshiisyadii Israel iyo imaaraad-ku wada galeen ma ahayn heshiisyo nabadeed iyo Siyaasadeed oo keliya, sababtoo ah dhamaan nuxurku Heshiisku wuxuu ahaa arin diimeed iyo mid ruuxi ah”.

Dadwaynaha ayaa baraha bulshada aad ugu cambaareeyey hab-dhaqanka heerka hoose ah ee uu halkaa la tegey Danjire dal dhan metelayaa.

Waxaa Diyaariyey: Cabdiriqaas Jubba

Hadalsame Media