”Waxaa ii jooga wiilal Muqdisho ka yimid!” – MW Uganda oo waabsi nooc cusub ah ku bilaabay dadkiisa

0

(Kampala) 01 Juun 2021 – MW Uganda ee Yuveri Musaveni ayaa mar uu ka hadlayey siyaasiyiinta mucaaradka ah gaar ahaan Bobi Wine, wuxuu ku faanay inuu haysto ciidan ”Muqdisho ka yimid.”

”Waxay ku qaylinayeen Bobi Wine meel kasta, aniguna waxaan ku iri ‘waan arki doonnaa. Waxaa heegan ku jirey Guddiga Doorashada. Wiilashayduna (ciidankaygu) waxay dhowaan kasoo noqdeen Muqdisho, marka waa yaqaannaan waxa ay samayn lahaayeen.” ayuu ku faanay Musaveni.

Musaveni ayaa warkaas ula jeeda cabsi gelin, isagoo dadka ku guul guulaya inuu haysto ciidamo ”bahallo ah” oo ka yimid Somalia oo uu u sawirayo meel alis ah oo qofkii ka yimaadaa uu halis yahay.

Siyaasiga Hon. Makindye E ayaa arrintan ku tilmaamay mid caddaynaysa in uu Musaveni uu Ugandan-ka ku argagixinayo Komaandoos uu Somalia kasoo celiyey.

Museveni oo dalkiisa xukumayey tan iyo 1986-kii, ayaa beri dhowayd markale doorashada ku shubtay, isagoo ka mid ah kali talisyada ugu cimriga dheer qaaradda feceed ka hartay ee Afrika.

Hadalsame Media