Wasaaradda Warfaafinta oo soo bandhigtay magacyada xubnaha Guddiyada Doorashada ee laga dacwoodey

0

(Muqdisho) 01 Juun 2021 – Waxaa lasoo bandhigay 67 xubnood oo kamid ah Guddiyada Doorashada Soomaaliya oo ka kooban heer Federaal iyo heer Maamul-goboleed.

Magacyadan cabashada laga qabo ayaa si rasmi ah loogu gudbiyey Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo haatan isagu hoggaamiya arrimaha doorashada.

Xog hoose oo soo gudbiyey Wasiir Xigeenka Warfaafinta Al Cadaala, ayaa sheegaysa in 61 ka mid ah xubnahaasi guud ahaanta ka kooban 67-da xubnood ay dacweeyeen Midowga Musharrixiinta oo arrintan kala hadlay RW Rooble.

Hadalsame Media