WARBIXIN: Muslimiinta oo la yaabban Sucuudiga oo masaajiddii la nuxuusinayo muusiggiina la noolaynayo

0

(Riyaad) 01 Juun 2021 – Mas’uuliyiinta dalka Sacuudi Carabiya ayaa ku adkeysanaya tallaabo ay ku xaddideen sameecadaha masaajidda oo ahayd in aan laga maqlin meel ka baxsan gudaha masaajidda.

Wasaaradda arrimaha Diinta ee dalkaasi ayaa usbuucii la soo dhaafay ku dhawaaqday in dhammaan sameecadaha masaajidda codkooda la gaabiyo oo aysan ka badan saddex meelood hal meel heerka ugu sarreeya codkooda.

Wasiirka arrimaha Diinta, Cabdulladhiif Al-Sheekh, ayaa sheegay in tallaabadani ay jawaab u tahay cabashooyinka ka imanaya dadweynaha.

Qoraalka Codka,Sucuudiga oo dumarka u ogolaaday in ay gawaarida wadaan

Haseyeeshee tallaabadani ayaa aad loogu dhalilsay baraha bulshada, waxaana markiiba billowday baaqyo lagu baahiyay intarneedka oo ah in la mamnuuco codadka dhaadheer ee muusigada ee ka shidan maqaaxiyadaha.

Cabdulladhiif Al-Sheekh, wasiirka arrimaha Diinta Sucuudiga ayaa sheegay in waalidiinta qaar ay ka cawdeen sameecadaha codka dheer ee hurdada ka kicinaya caruurtooda.

XARAMEYN

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Muuqaal laga baahiyay telefishanka dawladdu Sucuudiga ayaa wasiirku waxa uu sheegay in dadka doonaya in ay tukadaan aynan u baahnayn in ay sugaan Aadaanka salaadda.

Waxa uu “cadowga boqortooyada” ku tilmaamay dadka dhaleeceeynaya talaabadani, isagoo intaa ku daray in dadkaasi ay “doonayaan in ay khaldaan ra’yiga dadweynaha”.

Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa soo kordhiyay isbadelo ay ka midyihiin in muusiga uu banaanyahay
Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa soo kordhiyay isbadelo ay ka midyihiin in muusiga uu banaanyahay
 

Xayiraadahani ay dowladda Sucuudiga ku soo rogtay sameecadaha masaajidda ayaa imanaya iyadoo ay socdaan dedaallada dhaxal-sugaha boqortooyada Maxamed bin Salmaan uu ku doonayo in Sacuudi Carabiya laga dhigo dal furfuran isla markaana la yareeyo doorka diintu ay ku leedahay nolosha bulshada dalkaasi.

Waxaa horey loo khafiifiyay xannibaadii saarnaa arrimaha qaar ee bulshada, sida in gebi ahaanba la joojiyay xayiraadihii haweenka ka saarnaa in ay kaxeeyaan baabuurta. Balse dhaxal-suguhu wuxuu sidoo kale xaddiday xorriyadda hadalka ee dalkaasi, iyadoo kumannaan qof oo ka tirsan kuwa naqdiya siyaasaddiisa la xiray oo la caburiyay.

Maxamed Bin Salmaan

Dhaxalsugaha awoodda badan ee Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa soo kordhiyay isbadelo xagga dhaqanka bulshada ah, sida in uu fasaxay muusigii iyo heesihii mudada dheer mamnuuca ka ahaan jirey dalkaasi oo ay ku yaalaan labo ka mid ah saddexda goobood ee ugu barakaysan dunida muslimka.

Qorshahaas ayaa sidoo kale dhigayay in wax laga baddalo hannaanka waxbarashada, isla markaana la kordhiyo doorka ay haweenka ku leeyihiin shaqooyinka, sidoo kalena la maalgaliyo ganacsiga iyo madadaalada, si shaqooyin loogu abuuro dhallinyarada.

Marka la eego Sacuudiga dibaddiisa, dad kooban ayaa yaqaannay magaca Maxamed Bin Salman Aala Sucuud, ka hor inta uusan aabihiis boqorka noqonin sannadkii 2015-kii. Balse hadda, 33 jirkan dhaxal sugaha boqortooyada ah waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay qofka rasmiga ah ee gacanta ku haya maamulka waddanka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka.

Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaari wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha.

Bishii Abriil ee sannadkii 2017-kii ayey boqortooyada ku dhawaaqday qorshe ku aaddan in la sameynayo magaalo ay baaxaddeeda le’eg tahay 334 sq km (129 sq mile) oo loogu tala galay madadaalada.

Magaaladaas ayaa la sheegay in laga dhisi doono cirifka magaalada Riyaad, ayna yeelan doonto howlo isugu jira dhaqanka iyo ciyaaraha – oo ay u sii dheer tahay xarun loo dalxiis tago oo lagu xannaaneeyo xayawaanka.

Xigasho: BBC Somali

Hadalsame Media