”Tani waa fadeexad!” – Denmark oo ku ceebaysan arrin ay kula keceen dalal Yurub ah iyagoo caawinaya Sirdoonka Maraykanka

0

(Copenhagen) 01 Juun 2021 – Warbixin cusub oo soo xiganeysa basaaska Maraykanka ka baxsaday ee Edward Snowden, ayaa qoraysa in hay’adda Sirdoonka Qaranka Maraykanka ee National Intelligence Agency ay taageero ka heshay dalka Denmark si ay u basaasaan madaxda Yurub, taasoo uu weliba door ka ciyaaray MW Maraykanka ee Joe Biden.

Waxaa dadka la basaasay ka mid ah RW Jarmanka, Angela Merkel iyo MW dalkaasi Frank Walter-Steinmeier, kuwaasoo ay daba gashay hay’adda NSA oo kaashanaysa Sirdoonka Denmarka ee FE, sida ku cad baaris la sameeyey iyo qoraal kasoo baxay Warbaahinta Denmark ee DR.

Xogaha Sirdoon ee la ururiyey ayaa waxaa sidoo kale dalalka laga keenay ka mid ah madax kale oo u dhashay dalalka Germany, France, Sweden iyo Norway.

Sirdoonka Maraykanka ayaa markii hore adeegsanayey qaab ay ku afduubayaan isgaarsiinta elektaroonigga ah ee Denmarka, maadaama uu dalkaasi ku yaallaan saldhigyada kayballada internet-ka ee badda hoos mara ee u gudba dalal badan oo Yurub ah, sida Germany iyo Sweden.

Snowden, oo horay arrimo badan oo ku saabsan NSA u kashifay markii uu Biden Maraykanka ka ahaa MW Xigeenka, ayaa sheegay in Madaxwaynaha Maraykanka ee haatan uu wax badan ka og yahay arrimahan oo u baahan in wax laga waydiiyo Maraykanka iyo Denmark.

Howlgalka oo lagu magacaabo “Operation Dunhammer”, ayaa NSA-da Maraykanku waxay iyadoo kaashanaysa Sirdoonka Denmark xogaha ku raadinaysey lambarrada telefoonnada siyaasiyiinta Yurub, sida lagu faafiyey DR.

Madax badan oo reer Yurub ah gaar ahaan dalalka Jarmanka, Norway, Faransiiska iyo xitaa Wasiirka Gaashaandhigga Denmark, Trine Bramsen, ayaa arrintan ku tilmaamay ”fadeexad aan la aqbali karin”, iyagoo dalbaday in lasoo bandhigo wixii dhacay oo dhamaystiran, maadaama la basaasay dalal xulufo ah.

Hadalsame Media