Muqdisho oo laga hirgeliyey aambalaasyo aan inta badan dunida lagu arag (Daawo)

0

(Muqdisho) 01 Juun 2021 – Magaalada Muqdisho ayaa laga hirgeliyey adeeg aambalaas oo nooc cusub ah oo aan horay inta badan dunida loogu arkin.

Waa aambalaasyo ama dhoolliyo mooto ah oo loo sameeyey inay iyaga u sahlan tahay inay dadka la maraan luuqyada yar yar iyo jidadka cariiriga ah ee magaalada Muqdisho.

Howlwadeenka mootadan ku shaqeeya ayaa leh app ay dadka ku raadiyaan oo casri ah iyadoo uu qofku soo wacayo laynka sahlan ee 446 kaddibna loogu tegayo halka uu joogo.

Inta badan jidadka magaalada oo ay gawaarida iyo ballarka jidku kala badan yihiin, ayaysan dadku sidoo kale aad ugu baraarugsanayn sida ay waajib u tahay in boos loo banneeyo gaadiidka gurmadka ah sida aambalaasta, dab-damiska iwm.

Waxaa xitaa mararka qaar dhacda in ay ciidamada DF ay ku tacaddiyaan aambalaasyo bukaan ama dhaawac la rooraysa oo ay jidadka ka celiyaan ama ku xayiraan, taasoo arrintan ka dhigtay xal KMG ah.

Hoos ka DAAWO…

Hadalsame Media

Facebook Comments