Imaaraadka Carabta oo gudub cusub ka galay dadka reer Falastiin kaddib markii uu…

0

(Abuu Dabeey) 01 Juun 2021 – Imaaraadka (UAE) ayaa heshiis dhanka canshuurta ah la galay Israel oo ay fareheeda ka qoyan yihiin xasuuqii ay u gaysteen dadka reer Falastiin.

Wasiirka Maaliyadda Imaaraadka ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii tegey sheegay inay Israel la gaareen heshiis hordhac ah oo ku saabsan in laga dhaafo in 2 jeer la canshuuro.

Heshiiskan ayaa marka ay baarlamanka Israel ansixiyaan wuxuu hirgeli doonaa wixii ka bilowda 1-da Jannaayo 2022 oo ah sanadka soo aaddan bilowgiisa.

Waa heshiiskii ugu horreeyey ee noocan ah tan iyo markii ay Israel xiriirka rasmiga ah la samaysatay UAE iyo Bahrain sanadkii tegey, iyadoo kaddib sidoo kale xiriir la yeelatay  Morocco iyo Sudan.

Wasiirka Maaliyadda Israel, Israel Katz ayaa sheegay in heshiiskani uu iyaga u roon yahay oo uu siinayo “hubaal iyo xaalado anfacaya inay xiriirro ganacsi la yeeshaan Imaaraadka”, iyadoo ay heshiiska ka mid yihiin canshuur dhaafis loo sameeynayo badeecooyinka Israel, taasoo uu sidoo kale u guuxey Wasiir Dibadeedka Israeli ee Gabi Ashkenazi.

Heshiiskan ayaa imanaya 10 maalmood uun kaddib markii ay Israel ogolaatay inay joojiyaan duqaymihii arxan darrada ahaa ee Marinka Gaza halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 250 qofood oo ay 66 ka tirsani carruur yihiin, waxaana loo fahmayaa inaanay Imaaraadku wax tixgelin ah siinin dhibkaa gaarey dadkaasi marka la eego xilliga ay heshiiskan ku beegeen.

Dadka qaar ayaa qaba inay ugu yaraan ku fiicnayd inuu si tusaalayn ah dib ugu dhigo heshiis noocan ah, maadaama ay tani nidaamka Tel Aviv siinayso sharciyad u muujinaysa inaysan wax xun samaynin.

Hadalsame Media