(Gothenburg) 01 Juun 2021 – Kooxaha gaangiska ayaa xaalad cabsi ah ka abuuray degmada Angered ee magaalada Göteborg, iyadoo ay dadka qaarkood soo jeediyeen inay booliisku tillaabooyin dheeraad ah qaadaan sida ay goobta joogis rasmi ah ku yeeshaan iyo in xitaa la musaafuriyo dembiilayaasha, sida ay qabto hooyo magaceeda lagu soo koobay 50-sano.
”Wiilkayga halla musaafuriyo anigaa warqadda koowaad u saxiixaya maxkamadda.” ayay tiri hooyo Faadumo oo sheegtay inuu wiilkeedu ka mid yahay kooxaha gaangiska.
Xaaladda xaafadda Hjällbo ee Göteborg oo ay booliisku sheegeen inay isku hayaan laba kooxood oo gaangis ah ayaa kacsan, iyadoo ay halkaa dilal ka dheceen Axadddii oo halkaa nin oday ahaa lagu diley 5 kalena lagu dhaawacay, iyadoo ay arrintaasi daba socotey dhacdo kasii horreeysey.
Hooyadan ayaa weriyeyaasha Aftonbladet gurigeeda ku casuuntey iyadoo u sheegtay in wiilkeedu uusan dadka tooganin balse aanu wax fiican ku toornayn oo sida uu u shaqeeyo aysan jeclayn.
Faadumo ayaa sheegtay in waloow aan wiilkeeda weli dembi lagu helin ay misna hubto inuu daroogada iibiyo oo uu xiriir la leeyahay shabakaadka gaysta dembiyada abaabulan, iyadoo ku calaacashay inay qalbiga ka ooyso mar kasta oo ay xusuusato inuu wiilkeedu dembi faraha kula jiro.