Gabar Soomaali ah oo Muslimiinta howl muhim ah u qabata oo tifaftire looga dhigay majalad caan ah

0

(Oslo) 01 Juun 2021 – Gabadha moodalka ah ee Soomaaliyeed, Rawdah Mohamed, ayaa laga dhigay Tifaftiraha sare ee majaladda ka hadasha xarragada ee Vogue qaybeeda Scandinavia, kaasoo la bilaabayo xagaagan.

Rowdah oo saldhigata Norway oo ay dhalashadiisa haysato, ayaa war kooban oo ay soo dhigtay boggeeda Instagram, waxay ku sheegtay inay u diyaarsan tahay qabashada doorkan ay ku yeelanayso mid ka mid ah majalaadka ugu horreeya caalamka xarrafada.

Rowdah oo bandhigta brand-nada ugu caansan dhanka xarragada ayaa waxay kaloo amaan ku mutaysatay hal-abuurkeeda faneed ee midabaysan iyadoo is dhex gelisa xarragada sahlan ee jidadka iyo midda heerka sare.

Vogue Scandinavia, waa cadadkii 28-aad oo caalami ah oo ay soo saaro majaladda Vogue, waxaana cadadkan lagu baahinayaa xarragada dalalka woqooyiga Yurub ee Nordic sida Sweden, Norway, Denmark, Finland iyo Iceland

GAYFANE

Rowdah oo ilaa 130,000 oo raace ku haysata Instagram, waa gayfane u doodda xijaabka iyadoo bishii Abriil ee sanadkan bilowday haashtaagga ”Faraha ka qaad Xijaabkayga” #HandsoffMyHijab kaasoo ay uga dhiidhinaysey sharciyada cusub ee Faransiiska, gaar ahaan midkii gabdhaha yar yar looga joojiyey inay xijaab ku xirtaan meelaha ay bulshadu joogto, kaasoo la socodsiiyey 30-kii Maarso.

Hadalsame Media